Qof daacad kuu ah
Balan qaaday danaha dadka
Nafa u hurtay danaha dadwaynaha


Diane Hofstede, George Sherman (Bottineau Commons owner) and community members Taariikh noleedkeeda

Diane Hofstede, George Sherman (Bottineau
Commons owner) and community members

Diane waa qof cimrigeed deganeed waqooyi Bari ee magaalada Minneapolis, iyada oo ku barbaartay aqalka waalid xoogsato ah oo ay ka baratay qaymaha isku duubnaanta, isku xirka dadka dariska, wada shaqaynta, gaar ahaan, shaqo jacaylka. Sidoo kale, Diane waxay ku faraxsantahay in ay idiin sheegto qaymaha dahabaka ah ee ay ka dhaxashay gurigii ay ku soo barbaartay, oo ah meesha dib u fursamayta alaabta la isticmaalo iyo xajinteeda aysan ahayn mid la is xasuusiyo, aysa ahayd qayb kamida nolosha, waxyna tahay qof u dhashay degaan-dhowrida.

Intii iyada iyo saygeeda Toney ay ku suganaayeen xaafadooda qadiimiga ah, waxay intaa ku dareen in ay taakuleeyaan, waqtigooda ugu deeqaan haya’daha dad waynaha u shaqeeya ee loo yaqaan “non-profitka”, sida kuwa ku howlan: Farshaxanka, Cayaaraha, Waxabarashada, Degaan- dhowrayaasha iyo Kuwa xuquuqda Dadka u Dooda.

Taariikhdeeda Shaqo

Diane shaqadeedi ugu horaysay waxay ahayd macalin, ka hor inti aysan ka noqon xisaabiye sare mid ka mida shirkadaha maalingelinta qaranka. Waxay macalim ama bare ka ahaan jirtay dugsiyada sare ee: Minneapolis North High iyo Northeast Junior High, halkaas oo ay ahyd meeshii ay ka bolowday u doodida xaqa dadka degaanka. Diane waxay qortay manhajka midab la’aanta iyo jinsiyad la’aanta ku salaysan. Manhajka ay qortayna waxaa uu noqday mid wax ka badala sida ay ardaydu u arkaan midabka iyo jinsiga.

Diane Hofstede speaking at Jubbaland State of Somalia CelebrationWaxqabadkeeda

Diane Hofstede speaking at
Jubbaland State of Somalia Celebration

Diane waa qof ka tirsan xisbiga Democratiga, iyada oo ah qof aad u qadarisa dhaqamada kala gedisan ee xaafada wada degan. Diane oo ah qof aad ugu dhow ama dhowrkii sano ee la soo dhaafay aad wax ugu qabatay degaanka ama xaafada laga soo doorto, iyada oo had iyo jeer jecel in ay xaafadeeda laga ay hor u markiisa ka shaqayso. Waxaa xusid mudan sida Diane ay u garab istaagtay qoysaska Soomaalida ee degan Bottinue Commons oo ay waxyaalo badan ka caawisay. Sidoo kale Diane weli waxay diyaar ula tahay in jaaliyadda Soomaalida ee degan Waqooyi Bari magaalada Minneapolis, loona yaqaano (North East Minneapolis) in la kala shaqayso dhinac kasta ha ahaato Amaanka, Shaqo abuurista iyo Wax barashada Caruurta iyo Hor u marka qayska, iyo xaga Guryaha. Waxay si sharaf lef idiinka codsanaysaa in aad codkiina iigu deeqdaan oo aad markale u doorataan si aan u noqoto City Councilkiina wardka 3xaad, taariikhda markay tahay bisha 11/2013.